Shir Nabadeed oo ka furmay degmada Yagoori ee Gobolka Sool

Shir Nabadeed ayaa saaka ka furmay degmada Yagoori oo ka tirsan Gobolka Sool.

Shirka oo u dhexeeya labada beelood ee jaamac Siyaad iyo Ugaadhyahan ayaa lagu xallinaya shaqaaqooyin horay u dhexmaray labada dhinac.

Shirka waxa si rasmiya u furay Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil waxaana ka qayb-galaya Isimada iyo ergooyin ka socda labada beelood.

Wixii ka soo kordha shirkaas kala soco Puntland Post