Qaar kamid ah Ciidamadii Boosaaso fadhiyay oo lagu daabulay dhinaca buuraleyda Golis

Cutubyo ka tirsan Ciidamada difaaca Puntland oo horay u fadhiyay Boosaaso ayaa saaka aroortii lagu daabulay buuraleyda Golis halkaas oo uu ka bilowday hawlgal ka dhan ah Al-shabaab.

Ciidamada oo ka kooban Daraawiish iyo PMPF ayaa lagu amray in ay xoojiyaan hawlgal culus oo saacadihii la soo dhaafay ciidamada Puntland ka wadaan buuraleyda Golis ee Gobolka Bari.

Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegaya in ay burburiyeen saldhigyo kala duwan oo Al-shabaab ku lahayd halka lagu magacaabo Madarshoon oo ka tirsan buuraleyda Gobolka Bari.

Faahfaahin sugan lagama hayo khasaaraha ka dhashay hawlgalkaas oo weli ka socda dhulka buuraleyda ah.

PUNTLAND POST