Ciidamada Puntland oo hawgal ku qaaday Al-shabaab

Ciidamada difaaca Puntland ayaa maalmahan hawlgal xooggan oo ka dhan ah Al-shabaab waxay ka wadaan buuraleyda silsiladda Golis ee Gobolka Bari.

Wararku waxay sheegayaan in hawlgalkaas lagu burburiyay saldhigyo kala duwan oo Al-shabaab ku leeyihiin silsiladda Golis.

Hawgalka ayaa ku socda dhul cidla’ ah oo aysan joogin cid ka madax-bannaan dhinacyada dagaallamaya waxaana adag in xog sugan laga helo khasaaraha labada dhinac.

Saraakiisha dowladda ayaa sheegaya in hawlgalku sii socon doono si kooxaha taabacsan Al-shabaab looga saaro silsiladda Golis.

PUNTLAND POST