Safiirka Soomaaliya ee Masar oo la kulmay saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka

Safiirka Soomaaliya ee Masar ahna wakiilka joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Ilyaas Sheekh Cumar ayaa xarunta safaaradda ee dalkaasi kula kulmay saraakiil uu hoggaaminaayey  Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Xoogga dalka Jeneraal Cabaas Amiin Cali.

Kulankaasi waxaa dhinacyadaasi ay isku dhaafsadeen xaaladda dalka ,gaar ahaan kaalinta iyo doorka ciidamaa Xoogga kaga aadan horumarka dalka iyo sida ugu haboon ee loogu helo karo tababar iyo qalabeyn.

Kulankaasi oo uu goobjoog ka ahaa u qeybsanaha Ciidamada ee Safaaradda Jeneraal Liibaan Alow Yarow ,waxaa kaloo ka qeybgalay Jeneraal Maxamed Sharmaan,Taliyaha Ciidanka Cirka Jeneraal Maxamuud Sheeq Cali iyo Gaashaanle sarre Axmed Maxamed Xasan .

Saraakiishaasi ka socotay ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya,waxa ay ka mahadceliyeen sida diiran ee loogu soo dhoweeyay xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Masar.

PUNTLAND POST