Ra’iisul wasaarihii hore ee dowladda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa saaka gaaray magaalada Muqdisho.
Ex. Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid waxa Muqdisho ku soo dhoweeyay xubno ka tirsan Midowga Murashixiinta Madaxtinimada Soomaaliya.
Cumar Cabdirashiid oo warbaahinta si kooban ula hadlay ayaa dhaliilay sida ay ku socoto doorashada dalka.
Wuxuu sheegay in uu Muqdisho u tegay wada-tashiyo ku saabsan arrimaha doorashada si loo hagaajiyo nidaamka doorashada oo uu ku tilmaamay mid qaldan.
PUNTLAND POST