Wararka ka imaanaya Baladweyne ayaa sheegaya in Sadex caruur ah oo ka wada tirsan Hal qoys ay ku dhinteen labo kalena ku dhaawacmeen kadib markii Hoobiye ku dhacey gurigooda.
Hoobiyahaas ayaa la rumeysan yahay iney soo tuureen dabley ka tirsan Al shabaab oo Xalay weerar ku soo qaadey xeryo ciidan ee ku yaal Galbeedka magaalada Baladweyne.
Al shabaab ayaa werarkaan la beegsatey xeryaha ciidamada AMISOM dagaal socdey muddo kooban kadib markii ciidmaada nabad ilaalinta ay shalay howlgalo ka sameeyeen galbeedka magaaladas.
PUNTLAND POST