Ciidanka PMPF oo cabsi aan jirin ku abuuray shacabka Boosaaso

Ciidanka loo yaqaan PMPF ayaa xalay cabsi aan jirin ka abuuray magaalada Boosaaso sida ay xaqiijiyeen goob-joogayaal kala duwan.

Cutubyo ka tirsan PMPF oo ku hubaysan gaadiidka dagaalka ayaa xalay dhufayso ka samaystay qaar kamid ah xaafadaha Rayidku deggan yihiin halkaas oo ay haddana saaka ka baxeen.

Tallaabada ciidankaas qaaday ayaa loo arkay mid mas’uuliyad-darro ah islamarkaana dhibaato u keentay amniga iyo xasiloonida Boosaaso.

Ciidamada kale ee dowladdu ku daabushay Boosaaso ayaan wax dhaqdhaqaaqa samayn halka Ciidanka PSF-na ay xarumahooda joogaan.

PUNTLAND POST