Xaaladda Boosaaso oo caadi ku soo laabatay

Xaaladda magaalada Boosaaso ayaa si caadiya ku soo laabatay kadib saddex maalmood oo xiisad colaadeed ka jirtay halkaas.

Xarumaha Waxbarashada iyo Goobaha Ganacsiga qaarkood oo horay loo xiray ayaa saaka furan inkastoo weli magaalada ay ku sugan yihiin ciidamo badan oo labada dhinac ah islamarkaana dowladdu ciidamo horleh gaysay.

Sidoo kale Ma jiro wax wada-hadal ah oo weli u bilowday dowladda iyo dhinaca hay’adda PSF oo xiisadda jirtaa u dhexayso.

Labada dhinac ayaa sheegaya in aysan doonayn in xabad ka dhacdo Boosaaso haddana midna kama muuqato wax tanaasul ah si loo xalliyo xiisadda.

PUNTLAND POST