Fadhiga 15-aad ee Kal-fadhiga Baarlamanka Puntland ayaa maanta lagu ansixiyay Wax-ka beddelka Xeerka Rugta Ganacsiga iyo Wershada Puntland.
Baarlamanka ayaa Wasiirka Ganacsiga ka xayuubiyay Awooddii kala dirista Rugta Ganacsiga iyo Wershadaha oo muran xooggan ka taagnaa cidda xaqa u leh.
Dhammaan 39 mudane oo fadhiyay Kulankii maanta ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Wax-ka beddelka Xeerka Rugta Ganacsiga iyo Wershada Puntland.
Ansixinta Wax-ka beddelka Xeerkan ayaa meesha ka saaraysa in Wasiirka Ganacsigu kala diri karo Rugta waxaana haatan Awooddaas leh Madaxweynaha ama Madaxweyne ku xigeenka markii uu ku-sime yahay.
PUNTLAND POST