Puntland oo sheegtay in hay’adda PSF laba garab u kala jabtay

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Puntland ahna duqa degmada Boosaaso Cabdiqani Axmed Ismaaciil (Deera-dile) oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Boosaaso ayaa ka hadlay xiisadda ka dhex taagan dowladda iyo hay’adda PSF.

Cabdiqani Deera-dile ayaa sheegay in Ciidanka PSF laba garab u kala jabeen islamarkaana garab kamid ah ku biiray dhinaca Agaasimaha cusub Amiin Cabdullaahi Xaaji Khayr halka garabkii kale weli la joogaan Agaasime Maxamuud Cismaan Diyaano.

Hay’adda PSF weli kama jawaabin warka ka soo yeeray duqa Boosaaso Cabdiqani Axmed Ismaaciil oo ku saabsan in Ciidanku laba garab u kala jabay xilli ay taagantahay xiisadda ka dhalatay xilka qaadistii lagu sameeyay Agaasimaha hay’addaas.

PUNTLAND POST