Hay’adda PSF oo soo bandhigtay ciidamo ka goostay Daraawiishta Puntland

Hay’adda PSF ayaa soo bandhigtay askar ka tirsan Ciidamada difaaca Puntland oo sheegay in ay ka soo goosteen dowladda.

Sarkaal ka tirsah Ciidanka ka goostay dowladda oo warbaahinta kula hadlay xarunta hay’adda PSF ayaa sheegay in ay yihiin 86 askari oo kamid ahaa Daraawiishta Puntland.

Sarkaalkaas ayaa sidoo kale tilmaamay in ay PSF ku biireen kadib markii ay garowsadeen in aysan xabbad ku ridin saaxiibadooda.

Warkan ayaa ku soo beegmay saacado kadib markii dowladdu sheegtay in hay’adda PSF garab kamid ah u galay Agaasimaha cusub Amiin Xaaji Khayr.

Halkaan ka daawo muuqaalka

PUNTLAND POST