
Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Jubaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta soo gaaray magaalada Garowe ee caasimada Puntland, waxaan garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir kusoo dhaweeyay Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Karaash iyo mas’uuliyiin kale.
Soo dhaweynta kadib madaxweyne ku-xigeenka 1-aad ee Jubaland ayaa madaxtooyada Garowe kulan kula qaatay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Dani, waxaana ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, xubno ka mid ah goleyaasha dowladda Puntland iyo wafdi la socday Madaxweyne ku-xigeenka Jubaland.

Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Jubaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa sida warar madax bannaan sheegayaan Garowe u yimid arrimaha la xiriira doorashooyinka Soomaaliya oo daba socdaa kulamadii ay dhawaan yeesheen madaxda Puntland iyo Jubaland.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.