DFS oo $1 milyan u qoondeysay gurmadka abaaraha

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku dhawaaqay in xukuumaddiisu ay $1 milyan oo hordhac ah u qoondeysay gurmadka abaaraha.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa faray guddiga gurmadka abaaraha in sida ugu dhaqsiyaha badan caawimaad ula gaaraan deegaannada ugu daran ee abaartu saameynta ku yeelatay.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay wadaan dadaal kasta oo gurmad lagu gaarsiinayo meelaha si daran u saameysay abaartu.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa hadalkan ka sheegay shir uu maanta la yeeshay guddiga gurmadka abaaraha.

PUNTLAND POST