Maxaa ka cusub magaalada Boosaaso?

Ciidamo ka tirsan PSF oo ka soo baxay buuraleyda Golis ayaa dib ugu laabtay xarunta PSF ku leedahay magaalada Boosaaso, balse wax dhaq dhaqaaq ah kama samayn magaalada.

Ciidankaas ayaa sida la xaqiijiyay ka gadoodsan xilka qaadistii Madaxweyne Siciid Deni ku sameeyay Agaasimaha hay’adda PSF, Maxamuud Cismaan Cabdullaahi Diyaano.

Madaxweynaha Puntland ayaa Agaasimaha cusub ee PSF u magacaabay Sarreeye Guuto Amiin Cabdullaahi Xaaji Khayr, waxaase tallaabadaas ka horyimid hoggaanka hay’adda PSF.

Sidoo kale, dowladda ayaa maalmihii u dambeeyay ciidamo dheeriya gaysay Boosaaso, kuwaas oo qaarkood shalay halkaasi gaaray.

PUNTLAND POST