Madaxwene Deni oo magacaabay Taliye ku xigeenno cusub

Ilyaas Isxaaq (bidix) iyo Khaalid Axmed (midig)

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xilka qaadis ku sameeyay Taliye ku xigeenkii Qaybta Booliiska Gobolka Nugaal Gaashaanle Cismaan Maxamuud Buraale.

Taliye ku xigeenka cusub ee Qaybta Booliiska Gobolka Nugaal ayaa loo magacaabay G/sare Ilyaas Isxaaq Maxamuud.

Madaxweyne Siciid Deni ayaa sidoo kale G/dhexe Khaalid Axmed Cabdiraxmaan u magacaabay Taliye ku xigeenka Qaybta Booliiska Gobolka Bari.

PUNTLAND POST