Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo xustay maalinta Fara-xalka Adduunka

Wasaaradda Waxbarashada Puntland ayaa magaalada Gaalkacyo ku qabatay xuska maalinta Fara-xalka Adduunka kaas oo ardayda iskoollada lagu wacyi-gelinayay in ay gacmaha dhaqdaan si aysan jeermiska isugu gudbin.

Boqollaal arday ah oo wax ka barta dugsiga hoose dhexe ee Mudug ayaa wasaaradda u jeedisay wacyi-gelin ku saabsan muhiimadda Fara-xalku leeyahay si loo ilaaliyo nadaafadda iyo caafimaadka qofka.

Cabdishakuur Maxamed Faarax Dhaashane oo wasaaradda Waxbarashada Puntland u qaabilsan Faya-dhawrka iyo Caafimaadka Iskoollada ayaa si weyn ardayda ugu boorriyay in aysan ka daalin fara-xalka islamarkaana gacmaha ku dhaqdaan biya nadiif ah oo saabuunleh.

Cabdishakuur Maxamed Faarax ayaa sheegay in dhammaan xanuunnada ku dhaca caloosha iyo guud ahaan jirka ay sababto wasakhda raacda faraha haddii aan la iska dhaqin.

Sidoo kale macallimiinta iyo ardayda oo ka hadlay xuskan ayaa bogaadiyay dadaal xooggan ee wasaaradda Waxbarashada Puntland ugu jirto ku-wacyi-gelinta ardayda fara-xalka iyo nadaafadda si loo ilaaliyo caafimaadkooda.

Halkaan ka eeg sawirada

PUNTLAND POST