Shil dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay Garoowe

Ugu yaraan hal ruux ayaa ku dhintay laba kalena dhaawacyo culus baa ka soo gaaray shil haatan ka dhacay magaalada Garoowe.

Shilkan ayaa ka dhacay nawaaxiga goobtii laga raray kantaroolka bari ee caasimadda Garoowe.

Shilka ayaa ka dhashay kadib markii ay isku dhaceen laba gaari oo nooca Raaxada ah sida ay sheegeen goob-joogayaal.

PUNTLAND POST