Shan kamid ah Kuraasta Golaha Shacabka oo Muqdisho lagu doortay

Shan kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee Gobollada Waqooyi Somaliland ayaa maanta lagu doortay Muqdisho.

Maxamed Cabdi Maareeye ayaa markii labaad la soo doortay, isaga oo ka guuleystay musharrax Cabdiraxmaan Warsame Saciid.

Waxaa sidoo dib loo soo doortay xildhibaan Aamino Cumar Jaamac kadib markii ay tanaasushay Aamino Cismaan Diiriye oo la tartameysay.

Sidoo kale Faadumo Xasan Cali ayaa la doortay kadib markii sida la sheegay loo tanaasulay.

Maxamed Haaruun Cabayaa isna doorashadiisa uga adkaaday Axmed Cali Maxamed oo la tartamay.

PUNTLAND POST