Guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa amar dul-dhigay dhammaan murashixiinta u tartamaya Aqalka hoose ee Baarlamanka Soomaaliya.
War kooban oo ka soo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in aysan aqbali doonin murashax wejiga qarsan si loo ilaaliyo daah-furnaanta doorashooyinka dalka.
“Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal waxay ku war galinayaan musharixiinta ku tartamaya kuraasta Golaha Shacabka ee dalka oo dhan in aan la aqbali doonin in musharax ku jira tartanka uu qariyo wajigiisa, si loo ilaaliyo daahfurnaanta doorashada dalka” ayaa lagu yiri warkaas.
PUNTLAND POST