Dagaallamayaal ka tirsan Xoogagga Al-shabaab ayaa dagaal kula wareegay degaanka Daynuunaay oo ka tirsan degmada Baydhabo ee xarunta KMG Koonfur Galbeed.
Al-shabaab oo saaka weerar culus ku qaaday Daynuunaay ayaa sida wararku sheegayaan gacanta ku dhigay saldhig ciidan oo halkaas ku yaallay.
Weerarka waxa ka dhashay khasaare isu’gu jira dhimasho iyo dhaawac inkastoo aan weli faahfaahin sugan laga helin.
Degaanka Daynuunaay oo qiyaastii 25KM u jira magaalada Baydhaba waxa ku yaalla difaac adag oo laga ilaaliyo magaalada kaas oo Al-shabaab la wareegtay.
PUNTLAND POST