Wasiirka iyo wasiir ku-xigeenka cusub ee arrimaha dibadda oo xilalka loo dhaariyay

Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali iyo wasiir ku-xigeenka Maxamuud Cabdi Xasan Pekos ayaa maanta loo dhaariyay xilalka.

Wasiirrada ayaa lagu dhaariyay munaasabad ka dhacday xarunta guddoonka iyo guddiyadda Golaha Shacabka ee Villa Hargaysa, waxaana dhaariyey Hab-dhowraha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Xildhibaan Maxamed Cabdilaahi Xasan, waxaana munaasabadda dhaarinta ka qayb galay xubno ka tirsan goleyaasha dowladda ee xukuumadda iyo baarlamaanka.

Ka dib munaasabadda dhaarinta, wasiirka iyo wasiir ku-xigeen arrinaha dibadda ayaa booqasho iyo salaan ugu tegey guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, isaga oo guddoomiyuhu ugu hambalyeeyey wasiiradda mas’uuliyadda qaran ee loo igmaday.

PUNTLAND POST