Madaxweyne Deni oo Qardho tababar ugu soo xiraya cutubyo ka tirsan Ciidamada Puntland

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta safar ku tegaya magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar.

Madaxweyne Siciid Deni ayaa halkaas tababar ugu soo xiraya cutubyo ka tirsan Ciidamada Puntland oo in mudda ah tababar uga socday Xerada Xorgoble.

Guddiga dib u-habaynta ciidamada Puntland oo ay hoggaaminayaan wasiirada Maaliyadda iyo Amniga ayaa madaxweynaha uga sii horreeyay magaalada Qardho si ay u diyaariyaan munaasabadda.

Xukuumadda Puntland ayaa sannadihii u dambeeyay dib u habayn iyo tababarro ku waday ciidamada kala duwan gaar ahaanna Booliiska iyo Daraawiishta.

PUNTLAND POST