Khudbad Madaxweyne Deni ka jeediyay munaasabad ka dhacday Qardho

Muuqaal: Deni oo khudbad dheer jeediyay

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta tababar u soo xiray dufcadii 4-aad oo ciidamo Boolis ah, kuwaasi oo muddo Lix bilood ah tababar ku qaatay Dugsiga tababarka Ciidamada Xorgoble ee magaalada Qardho.

Madaxweynaha Puntland ayaa u hambalyeeyay Ciidamada maanta tababarka dhameystay, waxaana uu kula dardaarmay in dalkooda iyo dadkooda ay ugu shaqeeyaan casharadii iyo tababarkii ay qaateen, iyagoo kaalin muhiim ah ka qaadanaya sugida amniga iyo la dagaalanka maan dooriyaha.

Ciidamada Booliska ah ee maanta tababarka loo soo xiray oo ku dhow 700 oo askari oo isugu jira wiilal iyo gabdho qeybtood aqoon Jaamacadeed leeyihiin, waxay ka kala yimaadeen gobolada Puntland waana dufacadii 4-aad oo Ciidamo Boolis ah ee ay dowladda madaxweyne Deni soo saarto.

PUNTLAND POST