Itoobiya Waxba Kama Baran Burburkii Dowladdii Dhexe ee Soomaaliya

Ma sida la mooday, mise sida uu noqday: Abiy Axmed wuxuu laba sano ka hor ku guuleystay abaalmarinta nabadda ee Nobel.

Addis Ababa (Faallo PP) — Waxaa la yiraahdaa sida ugu fudud oo waaya-arag loo noqdo waa in wax laga barto waaya-aragnimada qof kale. Lix sano ka hor Itoobiya waxay isku suuqgeysay inay Maraykanka kala shaqayso la dagaallanka kooxo xagjir ah oo Soomaaliya ku sugan. Waa mashruuc dalal kale wax kaga faa’iidaan magaca AMISOM. TPLF waxay 2016kii mustaqbalkeeda siyaasadeed ku xirtay siyaasadda Soomaaliya: waxay u arkaysay in isbeddel siyaasadeed aan looga baahnayn Soomaaliya xilli bannaanbaxyo ka socdeen Itoobiya oo ay wargeysyada Galbeedku ku tilmaamayeen dal ay u taliso qowmiyad 6% ka ah Itoobiya.

Isbeddelkii 2018kii ka dhacay Itoobiya wuxuu taliska cusub siiyay fursad uu xididdada ugu siibo habka federaalka Itoobiya. Gaarista ujeeddadaas waxaa ilaa hadda hortaagan ku dhowaad 7 milyan oo Tigree ah, muddo 27 sano talada isku koobayay, u diyaargaroobayay dagaal sokeeye oo Itoobiya ka dhici doona marka isbeddel siyaasadeed uu dhaco. Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed, oo hadda Amxaaro badani si toos ah ugu tilmaamaan ‘Axmed Gureygii labaad’, wuxuu doortay inuu burburiyo TPLF oo 2020kii doorasho ka qabatay gobolka Tigray. Abiy, oo kaashanaya xagjirka Fano oo ku dhaarta sarreynta Amxaarada, ayaa banneeyay xasuuqa dad rayid ah. Dowladda Itoobiya waxay TPLF ku tilmaantay urur argagixiso. Ka hor 2018kii TPLF ayaa ururro siyaasadeed sida OLF, ONLF iyo Ginbot 7 u tiqiin ururro argagixiso.

Olusegun Obasanjo, ergeyga Midowga Afrika (bidix) oo la socda Debretsion Gebremichael, Madaxweynaha gobolka Tigray, Mekelle.

Sanad kaddib dagaalkii qarxay bishii Nofeembar 2020kii, Itoobiya waxay maraysaa xaalad u sii riixaysa burbur waayo Abiy Axmed mashruuciisii siyaasadeed afka ayuu dhulka daray; TPLF ma haysato fursaddii ay 1991kii haysatay, xilligaas oo uu Midowgii Soofiyeeti si rasmi ah u burburay. Muddo dheer ayay qaadanaysaa in Itoobiya yeelato dowlad sharciyad leh oo haysata taageerada reer Galbeedka. Tigreegu hadda isbadbaadin qowmiyadeed ayay ku jiraan, oo may laha hankii ay TPLF lahayd xilli taliskii shuuciga ahaa ee Mengistu la ridayay. Colaadda Itoobiya ka jirta way sii soconaysaa haddii Abiy ku adkaysto inuu awoodda sii hayo.

Wargeysyada dowladda Itoobiya maamusho sida toddobaadlaha Ethiopian Herald waxay billaabeen dhaleeceynta waxa ay u arkaan colaad hurin Galbeedku ka aloosayo Itoobiya. Ma cadda sida ay u hirgeli doonto dhexdhexaadinta uu Midowga Afrika wado. Waxaa cad in Itoobiya aysan wax ka baran burburkii dowladnimada Soomaaliya, suurtogalna ma aha inay ku qaraabato kala shaqaynta Galbeedka la dagaallanka argagixisada meelo Soomaaliya ka mid ah ku sugan.

© Puntland Post, 2021