Puntland oo dil ku xukuntay xubno ka tirsan Al-shabaab oo dagaal lagu qabtay

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee dowladda Puntland ayaa maanta  xukuntay laba xubnood oo ka tirsan Al-shabaab.

Maxamuud Cabdiraxiin Cabdulqaadir iyo Cismaan Madeey Cismaan oo lagu qabtay weerarkii Al-shabaab ku qaadday xabsiga Boosaaso ayaa lagu xukumay dil toogasho ah.

Maxkamadda ayaa fursad u siisay labada xukmane in ay mudda 30 cisho ah Rafcaan ku qaadan karaan.

Weerarkii xabsiga Boosaaso oo dhacay 5 March 2021 ayaa Al-shabaab looga qabtay xubno ay ku jiraan kuwa hadda la xukumay.

PUNTLAND POST