
Dowladda Puntland ayaa dib u dejin rasmiya u samaysay dadkii Somaliland ka soo saaftay Laascaanood.
Dowladda hoose ee degmada Gaalkacyo ayaa dadkaas dib u dejin uga samaysay degaanka jeexdin halkaas oo saaka loo raray.
Mas’uuliyiinta Gaalkacyo ayaa gaadiid badan ku daabulay waxaana la dejiyay dhul dowladdu ka siisay degaanka Jeexdin.
Puntland ayaa sidoo kale ballan-qaaday caawinta iyo daryeelka qoysaska halkaas la dejiyay oo u badan dad xaasas iyo maato ah.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.