Dagaal u dhexeeyay Ciidanka Maamulka Jubbaland iyo dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ayaa waxaa uu xalay saqdii dhexe ka dhacay gudaha degmada Dhoobleey ee Gobolka Jubbada Hoose, sida ay sheegayaan wararka la helayo.
Dagalkaas ayaa ka yimid, ka gadaal markii Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhiga Ciidanka Nabadsugida Maamulka Jubbaland ay ku leeyihiin degmada Dhoobleey, waxaana halkaas ka dhacay dagaal daqiiqado socday.
Dadka degaanka qaarkood ayaa waxaa ay kusoo warrameen in rasaas xoog leh laga maqlay aaga Saldhiga Ciidanka Nabadsugida, wallow markii dambe dagaalkaas uu istaagay, xaaladda degmadana ay si caadi ah kusoo laabatay.
PUNTLAND POST