Wasiirkii Arrimaha Dibada Soomaaliya oo xilkii laga qaaday

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xilkii ka qaaday Wasiirkii Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud.

Wareegto uu soo saaray Ra’iisul Wasaare Rooble ayuu Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah XFS ugu magacaabay Cabdisaciid Muuse Cali, halka Wasiir-ku xigeenka Wasaaraddaas u magacaabay Maxamuud Cabdi Xasan (Pekos).

Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibada Cabdisaciid Muuse Cali ayaa ahaa Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Soomaaliya, wuxuuna soo noqday la-taliyaha amniga Madaxweyne Farmaajo ka hor intii aan lagu baddelin Fahad Yasiin.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sidoo kale isku baddelay wasiiradii Xannaanada Xoolaha Dhirta & Daaqa iyo Howlaha Guud Guriyeynta & Dib u dhiska.

Maxamed Aadan Macallin (Soomaali) ayaa loo baddelay Wasiirka Xannaanada Xoolaha Dhirta & Daaqa, halka Xuseen Maxamed Sheekh Xuseen (Badni) loo baddelay Wasiirka Howlaha Guud Guriyeynta & Dib u dhiska.

PUNTLAND POST