
Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Saraakiil ka socota hay’ada UNCDF.
Shirka ayaa looga hadlay sidii wax looga qaban lahaa Isbedelka Cimilada, Abaaraha, Arrimaha qaxoontiga iyo shaqo abuurka dhallinyarada reer Puntland.
Ugu dambayn madaxweyne ku-xigeenka ayaa uga mahadceliyey hay’adda UNCDF doorka muuqda ee ay ka qaataan mashruuca horumarinta degmooyinka Puntland (JPLG).
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.