Imaaraadka oo casriyeyn iyo dib-u-habayn ku sameeyay garoonka diyaaradaha Berbera

Waxaa maanta xariga laga jaray garoonka diyaaradaha Berbera oo dowladda Imaaraadka Carabta ku sameysay casriyeyn iyo dib-u-habayn ballaaran.

Garoonka ayaa la beddelay dhabbadii hore ee diyaaradaha oo dhererkeedu ka badnaa 4km, iyada oo lagu sameeyey guluubada habeenkii suurogeliya in garoonku shaqeeyo oo lagu soo wareejiyey xayndaab ku fadhiya 30km oo isku weeran, islamarkaana la dhisay teerminnaallo casri ah oo ku qalabaysan agabkii ugu dambeeyey ee madaarrada dunida lagaga shaqeeyo, sida uu sheegay Maareeyaha hay’adda duulista iyo madaarada Somaliland Cumar Sayid.

Munaasibada lagu daah-furay madaarka Berbera waxaa ka qaybgalay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, saraakiil sar sare oo ka socday dalka Imaaraadka Carabta, wafdi ka socday shirkadda Diyaaradaha ee Ethiopian Airlines iyo marti sharaf kale.

Garoonka diyaaradaha Berbera ayaa waxaa maamuli doona dowladda Imaaraadka Carabta oo sidoo kale maamusha dekedda Berbera.

PUNTLAND POST