Dowladda Soomaaliya oo guddi u magacowday abaaraha

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta magacaabay guddi heer wasiirro ah oo u xilsaaran u gurmadka dadka la il-daran abaaraha ka dhacay dalka.

Guddiga ayaa ka kooban wasiirada wasaaradaha Gargaarka, Maaliyadda, Qorshaynta, Caafimaadka, Beeraha, Warfaafinta iyo Biyaha.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa faray guddig in ay si deg-deg ah u howlgalaan oo ay daraasad dhab ah ku soo sameeyaan xaaladda dhabta ah ee abaaraha la jira dalka, isagoo ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in la soo caawiyo dadka tabaalaysan.

PUNTLAND POST