Baarlamanka Puntland oo ansixiyay Miisaaniyada dowlada lana fasaxay muda Todobaad ah

Xildhibaanada Baarlamanka dowladda Puntland, ayaa maanta oo Sabti ah ansixiyay Miisaaniyadda dowladda ee sannadka 2022.

Fadhiga 12-aad ee Kal-fadhiga Baarlamanka ayaa lagu ansixiyay Miisaaniyadda oo ka kooban $354,093,039, islamarkaana ay soo gudbisay wasaaradda Maaliyadda Puntland.

Kulanka maanta oo ay soo xaadireen 45 mudane ayaa 44 kamid ah u codeeyeen ansixinta Miisaaniyadda, waxaana ka aamusay hal xildhibaan.

Sidoo kale, Baarlamanka ayaa loo qeybiyay wax-ka beddelka Xeerka Rugta Ganacsiga, waxaana la fasaxay mudda todobaad ah, si ay u soo akhriyaan.

Guddoonka Baarlamanka ayaa sheegay in Fadhiga xiga la isu’gu imaan doono maalinta Sabtida ah ee todobaadka soo socda.

PUNTLAND POST