Puntland: Doorashada 10 kamid ah kuraasta Golaha Shacabka oo la shaacinayo

Guddiga hirgelinta doorashada heer Puntland ayaa lagu wadaa in uu shaaciyo 10 kamid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ee laga soo doorto Puntland.

Xubno ka tirsan guddigaas ayaa Puntland Post u sheegay in saacadaha soo socda ay shaacinayaan doorashada 10 kamid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamanka Soomaaliya.

Kuraastan ayaa ku kooban xildhibaannada Baarlamanka ee laga soo doorto Gobollada Mudug iyo Nugaal oo doorashadooda lagu qaban doono caasimadda Garoowe sida ay sheegeen xubnahaas.

PUNTLAND POST