Guddiga doorashooyinka heer Koonfur Galbeed ayaa shaaciyay doorashada 11 kursi oo ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Warqad ka soo baxday guddiga ayaa lagu sheegay in todobaadka soo socda la qaban doono doorashada 11 kursi oo lambaradoodu kala yihiin HOP#182, HOP#042, HOP#041, HOP#103, HOP#170, HOP#171, HOP#213, HOP#180, HOP#154, HOP#189 iyo HOP#193.
Kuraasta la shaaciyay qaar ka mid ah waxaa hadda ku fadhiya guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo guddoomiyeshaashii hore Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo Sheekh Aadan Madoobe, waana kuraas si weyn isha loogu hayo cidda ku soo bixi doonta.
Doorashooyinka Galaha Shacabka ayaa todobaadka soo socda ka bilaabanaysa Muqdisho, Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.