Senator Yuusuf Geelle Ugaas oo laga soo doorto Galmudug ayaa is casilay

Senator Yuusuf Geelle Ugaas (Dhageey) ayaa ka tagay kursigii Aqalka Sare ee dhowaan dib loogu doortay isagoo doortay in uu u tartamo golaha shacabka.

Warqad uu u diray madaxweynaha Galmudug ayuu sababta uu kursiga isaga casilay ku sheegay inuu rabo in reerka uu ku matalo Baarlamaanka uu ka dhex sameeyo siyaasad caafimaad qabta sida uu sheegay

Madaxweynaha Galmudug ayaa xalay ku dhawaaqay in doorashada  shan kursi oo kamid ah golaha shacabka ay bilaabaneyso maalmaha soo socda.

PUNTLAND POST