Galmudug oo sheegtay in ay qabanayso doorashada shan kamid ah kuraasta Golaha Shacabka

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa shaaciyay in Galmudug maalmaha soo socda qaban doonto shan kursi oo kamid ah doorashada Golaha Shacabka.

Galmudug doorashada Golaha Shacabka wey galeysaa waxaa rajeynayaa inaan caddeeyo shanta kursi ee ugu horeysay waa calaameysan yihiin waa la soo deynayaa, guddiyada doorashada inay berri iclaamiyaan, illaa saddex berri gudahood waa soo baxeysaa” ayuu yiri Qoor Qoor.

Kulan Casho ah oo xalay lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb ayuu Madaxweyne Qoor Qoor hadalkaas ka sheegay.

Ra’iisul wasaare Rooble oo isna Kulankaas ka hadlay ayaa soo dhoweeyay hadalka Qoor Qoor wuxuuna Dowlad Goboleedyada kale ugu baaqay in ay bilaaban doorashada.

PUNTLAND POST