Warar hoose ayaa ka soo baxaya kulamo ku saabsan Arrimaha Doorashooyinka oo maalmahan Garoowe uga socda Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland.
Labada Madaxweyne ayaa kulamo kala duwan ka yeeshay Doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka ee ka imaanaya Puntland iyo Jubaland.
Puntland Post ayaa ogaatay in labada Mas’uul ay isla garteen Qodob aan markii hore la filayn kaas oo la xiriira in Doorashada Golaha Shacabka lagu koobo hal magaalo oo keliya.
Arrintan ayay ku saleeyeen Amni-darro ka jirta Magaalooyinka Beledweyne iyo Garbahaarrey oo sida ay sheegeen aysan suurta-gal ahayn in Doorashooyin lagu qabto.
Labada Madaxweyne ayaa isla gartay in Arrintaas ay ka wada-hadlaan Ra’iisul wasaare Rooble iyo Madaxda Dowlad Goboleedyadu si loo dardar geliyo Doorashada Golaha Shacabka oo gaabis ku jirta.
PUNTLAND POST