Kooxo hubeysan ayaa Xaafad ku taalla Suuqa Juungal ee degmada Yaaqshiid waxaa ay ku dileen Nabadoon Maxamed Xassan Nuur Muuse oo kamid ahaa Odayaasha Dhaqanka Muqdisho.
Ragga hubeysnaa ayaa Nabadoonka ku dhex dilay Gurigiisa, xilli uu akhrisanayay Kitaab Qur’aanka Kariimka, sida ay Risaala u sheegeen qaar kamid ah Ehelladiisa.
Gooboogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in ragga dilka geystay oo laba Ruux ahaa ay dilka kadib goobta ka baxsadeen, isla markaana meydka Nabaddoonka la geeyay Xarunta Hay’adda Dambi baarista ee CID-da.
Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa Magaalada Muqdisho kusoo batay dilalka qorsheysan oo ay geeysanayaan Al-Shabaab, kuwaas oo aad u yaraa Saddexdii Sano ee la soo dhaafay.
PUNTLAND POST