
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xilalkii ka qaaday Taliyihii iyo Taliye xigeenkii Ciidanka Asluubta, Gen. Cali Nuur Cumar iyo Gen. Cabdullaahi Cismaan Liibaan, wuxuuna magacaabay taliyeyaal cusub.
Madaxweyne Deni ayaa Taliyaha Ciidanka Asluubta Puntland u magacaabay S/Guuto Bile Faarax Cali, sidoo kale wuxuu Taliye ku-xigeenka 1-aad u magacaabay S/Guuto Cabdirisaaq Maxamuud Axmed (Gantaal).
Hoos ka akhriso wareegtada magacaabista
Garoowe: 17 November 2021: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 38 ee November 17, 2021 kuna saabsan magacaabid Taliyaha iyo Taliye Xigeenka 1-aad ee Ciidanka Asluubta.
Madaxweynaha Dowladda Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.
Markuu arkay: Aqoondooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda Ciidanimo
Wuxuu xeeriyey:
- Waxaa S/Guuto Bile Faarax Cali loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Asluubta Dowladda Puntland.
- Waxaa S/Guuto Cabdirisaaq Maxamuud Axmed (Gantaal) loo magacaabay Taliye Xigeenka 1-aad ee Ciidanka Asluubta Dowladda Puntland.
Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.