
Caaqil Cabdiraxmaan Caaqil Diiriye Caaqil Samatar oo ka mid noqonaya odayaasha dhaqanka gobolka Nugaal ayaa maanta lagu saleema-saaray magaalada Garowe.
Munaasabada lagu caleema-saarayay Caaqilka oo ka dhacday deegaanka dalxiiska ee Hidda-raac waxaa ka qeybgalay madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Karaash, mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Puntland, isimo, nabadoono, siyaasiyiin, ganacsato iyo qaar ka mid ah qeybaha bulshada Garowe.
Mas’uuliyiintii iyo waxgaradkii munaasabada ka hadlay ayaa Caaqil Cabdiraxmaan ku boggaadiyay in uu ahaa shakhsi marwalbo ka shaqeeya nabadda iyo horumarka, waxayna Alle uga baryeen inuu u fududeeyo mas’uuliyadda loo igmaday.
Caaqil Cabdiraxmaan Diiriye Samatar waxa uu badelayaa allaha u naxariistee Caaqil Maxamed Diiriye Samatar oo bilo ka hor ku geeriyooday magaalada Garowe.


























PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.