Somaliland: Xisbiga Waddani oo doortay guddoon cusub

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani ayaa maanta loo doortay Xirsi Xaaji Xasan, kaas oo shanta sano ee soo socata hoggaamin doonta xisbiga.

Xirsi Xaaji Xasan ma jirin cid kula tartantay guddomiyaha xisbiga Waddani, waxaana u coddeeyey kun iyo laba boqol iyo shan iyo labaatan (1,225) ergay oo ka qeybgalay shirweynaha labaad ee xisbiga.

Xirsi Xaaji Xasan oo wasiirka madaxtooyada ka soo noqday xukuumadii Axmed siilaanyo, ayaa kamid ahaa xubnihii ugu saameynta badnaa dowladdaas iyo xisbiga Kulmiye, balse 2016 ayuu ku biiray xisbiga mucaaradka Waddani oo ka noqday hoggaamiyaha xisbiga.

Sidoo kale gudoomiye ku xigeennnada xisbiga Waddani ayaa loo kala doortay Milgo Maxamed Cilmi Sanbalooshe, Abuukar Cabdiraxmaan Good, Axmed Cumar X. Cabdiraxmaan, Saleebaan Ducaale X. Jaamac iyo Xuseen Cabdi Boos, halka xoghayaha guud loo doortay Khadar Xiseen Cabdi.

Guddoomiyaha hore ee Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro ayaa shalay shaaciyay in uusan mar labaad u tartamay guddoomiyaha, waxaana xisbigu u wataa musharax madaxweyne, doorashada madaxtinimada Somaliland oo lagu wado in ay dhacdo 13 November 2022.

PUNTLAND POST