
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo kulan la qaatay Guddiga Doorashooyinka Galmudug ayaa la wadaagay muhiimadda ay leedahay in guddigu ay si siman ugu adeegaan dhammaan muwaadiniinta u tartamaya kuraasta Xildhibaannimo ee yaalla Galmudug.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa adkeeyey ballan-qaadkii Xukuumadda ee ku aaddanaa hoggaaminta geeddi socodka doorasho daah-furan, laguna kalsoonaan karo, lana xaqiijinayo qoondada haweenka, waxa uuna tilmaamay muhiimadda ay leedahay in loo midoobo danta guud, diiradana la saaro qabsoomidda doorashada.
Rooble ayaa xusay masuuliyadda hufnaanta iyo la xisaabtanka guddiyada doorashooyinka uu mudnaan siinayo, isagoo kula dardaarmay xubnaha guddiyada Doorashada in ay ka fogaadaan wax walba oo baal marsan habraaca doorashooyinka ee lagu heshiiyey.
Ra’iisul Wasaare Rooble waxaa kulankan ku weheliyey Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, Guddoonka Guddiyada Heer Federaal ee Doorashada iyo Xallinta Khilaafaadka, mas”uuliyiin ka tirsan Xukuumadda iyo Maamulka heer-dowlad Goboleed ee Galmudug.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.