Aqlabiyadda mudanayaasha Baarlamanka Puntland ayaa diiddan xeerkii muranka xooggan dhaliyay ee lagu mamnuucay gudniinka gabdhaha.
Xildhibaanno badan ayaa sida wararku sheegayaan ka horjeeda xeerkan oo haatan horyaalla Baarlamanka kadib markii golaha wasiiradu ansixiyeen 10 June ee sannadkan 2021.
Xukuumadda Puntland oo xeerkaas dabada ka riixaysa ayaa doonaysa in ay cod uga hesho Baarlamanka si loo meel-mariyo.
Culimaa’udiinka iyo qaar kamid ah hoggaanka dhaqanka oo horay uga hadlay xeerka ayaa ku tilmaamay mid Diinta baalmarsan.
PUNTLAND POST