Ra’iisul wasaare Rooble oo ku wajahan magaalada Dhuusamareeb

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta ku wajahan magaalada Dhuusamareeb.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa kormeer ku samayn doona xarunta lagu qabanayo doorashada Aqalka hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale Ra’iisul wasaaruhu wuxu la kulmi doonaa mas’uuliyiinta Galmudug oo uu horreeyo Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.

Rooble ayaa horay u sheegay in uu socdaal ku marayo dhammaan goobaha ay ka dhacayso doorashada Aqalka hoose ee ku yaalla dowlad goboleedyada dalka.

PUNTLAND POST