Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka degay Dhuusamareeb

Muuqaal: R/W Rooble iyo M/W Qoorqoor

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb ku soo dhaweeyay madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor, mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Galmudug iyo qaar kamid dadweynaha Dhuusamareeb.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa inta uu joogo Dhuusamareeb kulamo la yeelan doona madaxda Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada oo uu kala hadli doono arrimaha doorashooyinka, sidoo kale wuxuu kormeerayaa xarunta lagu qabanayo doorashada Golaha Shacabka.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa booqasho ku maraya dhammaan dowlad goboleedyada, wuxuuna kormeeri doonaa xarumaha lagu qaban doono doorashooyinka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

PUNTLAND POST