Mas’uuliyiinta kala duwan ee Puntland ayaa amar lagu siiyay in ay baaritaan dhanka dhimirka ah mariyaan dhammaan ilaaladooda khaaska ah islamarkaana hubin ku sameeyaan taariikh nololeedka ilaaladooda.
Sidoo kale Wasiirada Puntland ayaa lagu amray in aysan Ilaalo laba askari ka badan ka xaysan karin sida ku cad dhaqan-gelinta siyaasadda Tayaynta Amniga caasimadda Garoowe.
Xeerka dhaqan-gelinta siyaasadda Tayaynta Amniga caasimadda Garoowe ansixiyay Golaha Wasiirada Puntland waxaana saxiixay Madaxweyne Siciid Deni.
PUNTLAND POST