Shil khasaare dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay bariga Burco

Shilkaas oo dhaliyay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay degaanka Beer oo dhanka Bari ka xiga magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer.

Shilka Gaari ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii ay isku dhaceen Gaari Bas ah iyo iyo Xaajiyadyar, waxaana ku dhintay laba Ruux halka ay ku dhaawacmeen 11 Ruux oo kale, kuwaas oo kala saarnaa labada Gaari.

Maayirka magaalada Burco ayaa sheegay in 11 Ruux ee dbaawaca ah la geeyay Isbitaalka Magaalada Burco, isla markaana Afar kamid ah ay xaaladoodu aad u liidato.

Sidoo kale wuxu sheegay in ay wadaan baaritaano ku aadan waxa sababay shilka gaari, sidoo kalena lala tacaalayo xaaladda Caafimaad ee dadka ku dhaawacmay Shilkaas.

PUNTLAND POST