Muxuu yahay howlgalka berri ka bilaabanaya Garowe?

Puntland ayaa berri oo Isniin ah bilaabaysa dhaqangelinta siyaasad lagu tayaynayo amniga caasimadda Garowe, taas oo ay horay u ansaxiyeen Golaha Wasiirada.

Sharcigan ayaa caasimadda Garowe ka mamnuucaya hubka sharciga aan lahayn ee lagu dhex-wato ama lala soo galo, sidoo kale wuxuu xadidayaa ciidanka hubka ku dhex-qaadan kara magaalada.

Taliyaha Booliska Puntland Maxamed Cali Xaashi oo si hordhac ah uga hadlay sharcigan ayaa sheegay 15-ka bishan November oo ku beegan berri uu magaalada Garowe ka bilaabanayo howlgal ballaaran oo lagu baarayo magaalada iyo kantaroolada.

Taliyuhu wuxuu tilmaamay in aysan magaalada Garowe soo geli-karin cid ciidan wadata oo aan warqad ogolaansho ka haysan dowladda.

PUNTLAND POST