Mid ka mid ah isimada ugu caansan Somaliland oo lagu soo dhaweeyay Muqdisho

Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadow) oo ka mid ah isimada ugu caansan Somaliland ayaa maanta gaaray magaalada Muqdisho, waxaana si weyn ugu ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin sarsare oo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

Boqor Buurmadow waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Caddde ee Muqdisho ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya Mahdi Guuleed, mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda iyo odayaal dhaqan.

Muuqaal: Boqor Buurmadow

Boqor Buurmadow oo hadal kooban jeediyay ayaa sheegay in safarka uu ku yimid Muqdisho uu lamid yahay safar uu ku marayay geeska Afrika, hase ahaatee wararka lagu kalsoonaan karo waxay sheegayaan in safarkiisu la xiriiro doorashada xildhibaannada Aqalka Hoose ku matala Somaliland.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya Mahdi Guuleed ayaa qoraal kooban oo uu soo saaray ku yiri “Waxaa farxad ii ah in aan Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadow) ku soo dhaweeyo magaalo madaxda JFS ee Muqdisho”.

PUNTLAND POST