Booliiska Garoowe oo gacanta ku dhigay gaari khamri sida iyo raggii watay

Booliiska caasimadda Garoowe ayaa bartamaha magaalada ku qabtay gaari maarked ah oo khamri sida iyo laba nin oo watay.

Saraakiisha Booliiska ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay gaarigaas iyo raggii watay kadib hawlgal kooban oo ciidanku ka sameeyay magaalada Garoowe.

Booliiska ayaa tilmaamay in xabsiga loo dhaadhiciyay labadii nin islamarkaana baaritaan lagu hayo si sharciga loo horgeeyo.

PUNTLAND POST